Welcom to truesomali website


Q/Midoobey oo xafiis ka furtay Baydhabo

Baydhabo, Okt 25- Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayey xarun cusub oo ay leedahay
Q/Midoobay looguna talo galay hirgelinta howlaha samafalka ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa shalay
ka dhacday magaalada Baydhabo.
Xiriiryaha guud ee howlaha Bini?aadaminimo u qaabilsan Q/Midoobay Randolph Kent ayaa si rasmi ah xariga uga
jaray mashuurcaas.
Hadal uu halkaasi ka jeediyey Mr. Kent ayuu ku sheegay in ujeedada ugu weyn ee Q/Midoobay ee Soomaaliya ay
tahay in ay gargaarto dadka Saboolka ah xafiisna ay ka furato meel kasta oo ay u aragto in ay nabdoon tahay.
Dhanka kalena waxaa xafladdii furitaanka oo ay ka soo qeyb galeen xubno sar sare oo ka tirsan SRRC ayna ku
jiraan Xuseen Ceydiid, Col. Shaati Gaduud iyo Danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil.
Wuxuu Shaati Gaduud halkaasi ka sheegay lagama maarmaanimada samafal ay dadka deegaanku ka helaan Hay?adaha
Q/Midoobay, wuxuuna sheegay in dadka Gobolada Bay iyo Bakool ay ku habsadeen Abaaro xaalufiyey mirahii dalaga
beeraha.
Furitaanka Xafiiska Q/Midoobay ayaa la sheegay in ay ka dambeysay codsi uu Cali Khaliif u jeediyey
Q/Midoobay waxayna talaabadani dhabar jab ku tahay Dowladda KMG ah oo ku guuldareysatay in ay sugto ammaanka
magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *