Wasaarada kaluumaysiga puntaland oo garawe ku qabatay aqoon iswaydaarsi ku saabsan faa’idooyinka kaluunka ..

Garowe:(SIC)-Kaluunku wuxuu ka mid ah kharaadka dabiciga ah ee soomaliya ay hodonka ku tahay, intabadana dadwaynaha somaliyeed ugama faa’idaysataan cunitaanka iyo Isticmaalka khayraadka Wadanka.

Inkasta oo ay jiraan dad badan ka shaqeeya wax soo saarka khayraadka wadanka  oo wali ku dhiiran in ay kaalintii ay ku lahaayeen horumarinta wadanka ay ka soo baxaan ayaa maanta magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxa alagu qabtay aqoon iswaydaarsi socon doona mudo dhawr bari ah ayna ka qabgalayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sid ganacsada kaluunka, dhalinyaro iyo Haweenka oo looga hadli doono Khayraadka wadanka iyo dhiirigalinta isticmaalka kahyraadka wadanka oo uu ku jiro Kaluunku waxaan tababarkan iska kaashaday Hay’adda UNDP iyo Wasaarad Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadkabada puntland C/waxid Maxmed Xirsi  oo ka mid ahaa Masuuliyiintii kulankan ka hadashay ayaa  aad ugu dheeraaday faa’idooyinka cunitaanka kaluunka leeyahy iyo ka qaybqaadashada soo saarida Kaluunka si bulshadu u isticmaasho wuxuuna sheegay in cunista kaluunku ka faa’ido badan yahay cunista hilibka isla markaana uu leeyahay buritiino muhiim ah oo qofka hilibka kaluunka cuna uu ka caafimaad badan yahay kan cuna hilibka xoolaha.

Dhanka kale agaasimuhu waxaa uu ka digay khataro ka dhalankara kaluunka hadii si khaldan loo isticmaalo taasi oo cuduro sababi karta khatarahakaluunka uu leeyahay hadii isticmaalkiisa la khaldo waxaa ka mid ah ayuu yiriisaga oo meel aan qabow ahayn ama baraf la,aan la dhigo waxaana uu intaasi kudaray hadii kaluunka dhadhankiisu isbadalo ay bagteeriyo ka dhalato taasi oo kumicneeyey  hadii meel aan qobow ahaynlagu kaydsho waxaana uu ku booriyey bulshda reer puntland ee kaluunka cuna inay  baraf ama biyo qabow ku dhex ridaanhadii ay kaydinayaan

 Inkasta oo bulshada somaliyeed u badan xoolo dhaqato aancunin kaluunka hadan magaaloyinka iyo deeganada xeebaha ah bulshada ku dhaqanwaxaa ay kaluunka uga faaidaysataan siyaabo kala duwan ay kamid yihiin ganacsigaiyo quudashadu wallow aysan gaarsiisnayn sida loo isticmaalo hilibka xoolaha oosomalidu caan ku tahay.

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *