Since 1960 – jamhuuriyadda somaliland oo shahaado ku mutaysatay soo dhawayntii maatidii beelaha hawiye

Xafladaasi oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirada Caafimaadka, Gaashaan-dhiga, Wasiirul-dawlaha Xoolaha, Guddoomiyaha Beelaha Hawiye ee Somaliland ku sugan iyo marti sharaf kale. 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo markii uu shahaadadaas ka gudoomay qurba jooga Hawiye ka hadlay xaflada waxa ereyadiisii ka mid ahaa “marka hore waxaan salaamayaa jaaliyadda dibada iyo kuwa gudaha Somaliland jooga ee Beelaha Hawiye, horta sanadkii 1969-kii wixii ka horeeyay Somaliland waxay raadinaysay wixii la odhan jiray Soomaaliweyn, taasi waxay ka ahayd in ay Soomaali ururiso, waxan xasuus nahay in Aadan Cadde yidhi markii loo tagay 1960-kii, inuu yidhi horta inaad joogtaan xoogaa oo aad wixiina dhisataan, waana tii reer Somaliland yidhaahdeen bilaa shuruud aynu iskugu biirno, waxay ahayd jecayl ay Somaliland u qabtay Soomaalida kale, duruufo badan oo qalafsan baa yimid kaligii taliye ayaa ina xukumay wadankiina wuu burburay. 

“Qolo waliba inay iyadu isa soo dhisto weeye, haddii la yidhaahdo Somaliland waxay neceb yihiin Soomaalida kale waa been, Soomaali waanagii 50 sano ka hor raadinaynay,  waxaan qabaa in marka Somaliland la ictiraafo oo ay qaran jira noqoto, dhibaatada Soomaalida iyadaa markaa ururin doonta, laakiin yaan loo qaadanin in Somaliland neceb tahay Soomaalida kale” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. 

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo ka hadlayay Beelaha Hawiye, wuxuu yidhi “Horta waxaan ku faraxsan nahay oo aan in badan raadinayay in Beelaha Hawiye haddii ay iyagu ku dhawaaqaan Somaliland  wax faro badan ayaa fududaan lahaa, dhallinyaradiina oo waxaan ku hambalyaynayaa talaabadan aad qaadeen, faciinan yar-yar ee gartay in ay Somaliland ka hadleen waan idiin ku hambalyeynayaa abaalmarinteedana waad naga heli doontan”. 

Ku simaha madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay fashilaada siyaasada Soomaaliya wuxuu yidhi “weli koonfur (Soomaaliya) kama dhawa waa shirkii 24aad ayaa dibadaha loogu qabtay, waxaan leeyahay maalintii aanu anagu (Somaliland) u soo jeedsano xalkooda intaas qaadan mayso, laakiin waxaanu diidan nahay annaga oo curdin ah oo aan weli taabo gelin haddii aanu galno taayadii ayaanu u baqanaynaa, horta aanu taabo gelno oo adduunku ha na ictiraafo, ka dibna waxaad nagu ogaataan inaanu arrintiina (Soomaaliya) aanu geli doono”. 

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in Diinta Islaamku ay tahay diin jacayl oo fudud, oo dadka loogu yeedho in ay qaataan, isaga oo arrintaa ka hadlayay wuxuu yidhi “markaad ninkii kalmada tawxiidka ku dhawaaqaya disho, ninkii diinta soo galeyay wuxuu u qaadanayaa diintii is dilka iyo is qarxinta waxaan idin kula talin lahaa oo aad iska waanisaan in aad kooxda shabaabka ee fadhiisinka ku leh Soomaaliya ee  ka soo duula, bal in aad ka hawl-gashaan sidii inamada yar yar ee la khalday looga joojin lahaa, waxa jira ragga qaar siyaasad ayuu ka leeyahay oo arrintiisu waa mid dheer, balse waa in loo caqli celiyaa inamada yar yar ee la leeyahay is qarxi Jano ayaad heleysaane, nin naftiisa heligay waxa u yaalaa waa Naar”. 

“Shahaadadan aad Somaliland gudoonsiiseen waa talaabo fiican oo aad qaadeen waana mid aanu hore idiinka filaynay oo aad la raagteen, laakiin annagu maalinta aanu taabo-galo waxba  idin kalama daahi doono,” ayuu intaa ku daray. 

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu sheegay haddii Somaliland la aqoonsado inaanu istaagayn isku socodka dadweynaha labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu yidhi “Dad baa u haysta in haddii cidi madax banaanaato in dadku kala xidhmayo, waxba lama kala xidhmayo sidaas imikaba la isku dhex socdo ayuun baa la isugu soconayaa”. 

“Shahaadadan Somaliland baa iska leh anigu ma lihi waan idinka gudoomay waliba waxaanu idinka filaynaa shaqo intaas ka badan idinka oo mideysan,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. 

Cali Axmed Wardheere, oo ka tirsan qurba jooga Beelaha Hawiye ee wadamada dibada, ayaa sheegay inay Somaliland ku gudoonsiiyeen sidii ay u martigelisay shacbiga beelaha Hawiye ee ka soo baro-kacay koonfurta Soomaaliya ee degan Somaliland sidii loogu soo dhaweeyey. 

Cali Axmed oo shahaadadaasi gudoonsiiyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa wuxuu yidhi “waxaan doonaynaa inaanu shahaado sharaftan gobanimo-soor aanu gudoonsiino Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha, Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa kale oo aanu u mahad-celinaynaa Madaxweynaha, Golaha Wasiirada, Xisbiyada Somaliland iyo shacbi weynaha Somaliland dal iyo dibadba sidii diiranayd ee walaaltinimo ee ay u soo dhaweeyeen dadkii ka soo baro-kacay magaalada Muqdisho”. 

Sidoo kale waxa isaguna ka waramay sidii loola dhaqmay Guddoomiyaha Beelaha Hawiye ee ku sugan Somaliland Faarax Giindhe Xuseen, oo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay mudadii ay dalka ku sugnaayeen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *