Shabakada codkasomalia.com ka dhigo sxb joogto ah

Guddiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta ee France (FFF)
ayaa soo gabagabeeyay Baaritaan dheer uu ku sameenaayay Fadeexadii hareesay
Xulka France Koobkii Aduunka ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay S/Africa.

 

Guddiga ayaa ku kulmay Magaalada Paris Talaadadii, si uu
go’aan uga gaaro dacwad ka dhan ah 5 cayaaryahan oo lagu eedeeyay inay masuul
ka ahaayeen fadeexadiii Hareesay Xulka France Koobkii aduunka, dacwadaas oo
lasoo gudbiyay August 6

 

Nicolas Anelka, oo Udub dhaxaad u ahaa Dhibaatadii ka
dhacday S/Africa ayaa lagu ganaaxay 18 cayaar inuu ka maqnaan doono Xulka
qaranka.

 

Kabtankii hogaaminaayay France Patrick Evra ayaa la dul
dhigay 5 kulan oo ganaax ah, halka Ribery qoorta loo suray 3 kulan, sidoo kale
Toululan oo Lyon u cayaara ayaa lagu xakumay 1
kulan oo ganaax ah.

 

Eric Ebidal, ayaa isagu ka badbaaday Ganaaxa.

 

Intii uu socday Koobkii aduunka, ayaa Evra oo ahaa kabtankii
Xulka lagu eedeeyay inuu u horkacay cayaaryahanada inay diidaan tababarka kadib
markii Xulka France laga saaray Anelka oo loo heestay dacwad aheed inuu caayay
Macallin Roman Dominech intii lagu guda jiray waqtigii nasashada ee cayaartii
France looga adkaaday 2-0.

 

Macallinka Cusub ee Xulka France
Lourent Blanc, ayaanan magacaabin mid ka mid ah cayaaryahanadaan kulankiisii u
horreeyay ee uu leeliyo Xulkiisa France, kulankaas oo looga adkaaday
2-1 kadib markii uu cayaar saaxiibtinimo la yeeshay Xulka Norway Toddobaadkii
hore.

 

Bogga
cayaaraha ee Codkoasomalia.com

W/D: Ibrahim Geedow Cawale (Biibbo)

Nairobi_Kenya +254721944591

[email protected]

[email protected]

[email protected]

www.facebook.com/Ibrahim.gedow

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *